Los Angeles oo isu diyaarineysa burbur hor leh iyadoo dabka weli socdo.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadka ku nool Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa isu diyaarinaya burbur iyo dab hor leh, iyadoo khubarada shaadaasha hawada ay sheegeen in dabeeylaha hurinaya dabka ay mar kale soo laaban karaan.

Dabka ayaa weli ka socda saddex qeybood oo kamid ah magaalada. Midka ugu xooggan oo ka socda Palisades, ayaa gubay dhul ka badan 23,000 oo eekar, waxaana la xakameeyay boqolkiiba 14.

Dabeylaha ayaa laga cabsi qabaa inay soo laabtaan talaadada maanta ah ilaa arbacada berri ah.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku naf waayay dabka ka kacay Los Angeles, halka 23 qof weli la la’ayahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen, iyagoo lagu waayay dabkii ka kacay Eaton iyo Palisades.

Isniintii shalay ahayd, mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale shaaciyay in sagaal qof loo xiray bililiqo iyo inay si ula kac ah dab u qabadsiiyeen hanti dadku leeyihiin.

Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka geysanaya dhaca hantida, waxaana socda howlaha baaritaanka.