Trump oo weli laga sugayo inuu booqdo meelaha dabku halakeeyay

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barasaabka California Gavin Newsom iyo saraakiisha Los Angeles ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay Donald Trump uusan weli aqbalin casuumaado dhowr ah oo ku aadday inuu soo arko meelaha uu dabku saameeyay. Saraakiisha ayaa rajeynaya in booqashadiida ay dardar-gelin doonto dadaallada soo kabashada.

Newsom, oo Dimuqraaddi ah, ayaa bartiisa X kusoo wadaagay warqad uu ku sheegay in Trump loo diray Jimcihii, si uu u arko meelaha dabku aafeeyay.

Dhanka kale, saraakiisha Los Angeles ayaa iyagana warqad casuumaad ah u diray Trump, balse aan weli laga helin aqbalaad.

Trump ayaa si cad ugu dhaliilay Newsom iyo maamulka gobolka qaabka ay u xakameeyeen dabka. Madaxweynaha la doortay ayaa ugu baaqay barasaabka California inuu iska casilo xilka, wuxuuna bartiisa Truth Social ku sheegay in dabku yahay kii ugu ba’naa ee dalkaas soo mara. “Ma demin karaan dabka miyaa? Maxaa ka khaldan?”. Ayuu ku yiri qoraalka.