Bariga Afrika oo la filayo inay abaar ka dhacdo bilaha soo socda.

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD ayaa sheegtay in gobolka Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado abaar oo aan caadi ahayn inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025.

Saadaasheeda ay toddobaadkan soos aartay, ayay ku sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaartan.

Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn inta u dhaxeysa January ilaa March 2025.

Dalalka Geeska Afrika waxay ka mid yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro, daadad, iyo cayayaanka beeraha ay wax caadi ah ka yihiin isla markaana heer-kulku uu gaaro 32 gigrii, sida ay xarunta sheegtay.