In ka badan 270,000 oo qof oo la tarxiilay Mareykanka.

0
25

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ayaa in ka badan 270,000 oo qof u tarxiilay 192 waddan muddo 12 bilood ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee sannadle ah tobankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin la sii daayay.

Arrintan ayaa muujineysa qaar ka mid ah caqabadaha maaliyadeed iyo kuwa shaqo ee Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu wajihi doono si uu u fuliyo balan qaadkiisii ahaa masaafurinta dad aad u badan.

Hay’adda ICE, oo ah hay’adda ugu weyn ee dawladda ee mas’uulka ka ah ka saarista dadka sida sharci-darro ah dalkan ku soo gala ayaa sheegeytey in 271,484 la masaafuriyay sannad maaliyadeedkeeda dhamaaday Sebtembar 30 keedii, ku dhawaad labanlaab marka loo eego 142,580 isla muddadaas sanad ka hor.

Waxay ahayd tiradii ugu badneyd ee dad ah oo la masaafuriyey tan iyo 2014, markaasoo ay ICE dalka ka saartay 315,943 qof.

Tiradii ugu badneyd ee mu