Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Soo bandhigtay waxqabadkeeda sannadkii 2024.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadkii ugu waaweynaa ee ay ka hirgelisay sannadkii 2024, iyada oo ku tilmaantay guulahaas kuwo taariikhi ah oo qeyb ka ah dib-u-dhiska nidaamka waxbarasho ee dalka.

Sida lagu sheegay warbixinta, Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku guuleysatay:

1. 3,000 oo Macallin ayaa markale la shaqaaleysiiyey.

2. 3,000 oo gabdhood ayaa deeq waxbarasho la siiyey.

3. Sharciga Tacliinta Sare ee Dalka ayaa markii ugu horreysay la sameeyey lana ansixiyey.

4. Sannadka aasaasiga ee Jaamacadda ayaa la dhaqan galiyey.

5. Ardayda u dhalatay Dalka aan walaalaha naha ee Sudan ayaa deeq waxbarasho la siiyey.

6. Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ayaa la gaarsiiyey goobo uuna gaarin wixii ka dambeeyey burburkii dowladda dhexe waxaana kamid goobahaas SSC Khaatumo iyo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

7. 250 arday ayaa la siiyey deeq waxbarasho oo gudaha Dalka ah.

8. Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa 35 sano kaddib lagu qabtay Magaalada Muqdisho, shirkaasi oo looga hadlay Dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed.