Magaalada Muqdisho oo uu ka furmay shir ku saabsan arrimaha Cadaaladda.

0
19

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ku-simaha wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Amb Ilyaas Sheekh Cumar oo uu weheliyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo dhexmaray Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka dalka,xoojinta wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxqabadkii hay’adaha dastuurka Labada heer sanadka 2024, caqabadihii jiray, guulihii la gaaray iyo qorshaha istiraatiijiyadda 2025, oo ay ku jirto hirgelinta qorshaha isbeddelka qaranka ee “NTP” iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah ee sanadka cusub.

Wasiirada Dastuurka ee maamul-goboleedyada ayaa ballan qaaday xoojinta wada-shaqeynta iyo dhammeystirka dastuurka iyagoo uga mahadceliyay Wasaaradda dadaallada mudnaan siinta dastuurka, Wasiir Amb Ilyaas oo sheegay in madaxda dalka ka go’antahay dhameystirka dastuurka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga heer federaal iyo dowlad-goboleed si loo xaqiijiyo dastuur wadatashi bulsho ku dhisan asaga ku ammaanay dardargelinta wada-shaqeynta iyo dadaalkooda ku aaddan daadajinta dastuurka ilaa heer degmo.