Hoggaamiyaha Suuriya oo shaaciyay xilliga dalkaasi ay doorasho ka dhici karto.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyaha guud ee maamulka cusub ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa sheegay in qabashada doorashooyinka Suuriya ay qaadan karto ilaa afar sano, taasoo ah markii ugu horreysay ee uu tilmaamo jadwal suurtagal ah oo doorashooyinka ah tan iyo markii la afgembiyay Bashar al-Assad 8-dii bishaan.

Al-Sharaa ayaa sheegay wareysi uu siiyay kanaalka Al-Arabiya ee Sacuudiga Axaddii in geeddi-socodka qorista dastuurka uu qaadan karo ku dhawaad saddex sano, isagoo sheegay in Suuriya ay u baahan tahay ilaa hal sano si muwaadiniinta ay u arkaan isbeddelo muhiim ah oo adeegyo ah.

Hadallada Al-Sharaa waxay ku soo beegmayaan xilli maamulka cusub ee Dimishiq uu isku dayayo inuu kalsooni siiyo dalalka deriska ah.