Muhaajiriin ku geeriyooday xeebaha dalka Morooco.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay oo 25 ka mid ah u dhasheen Mali kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Morocco sidaasina waxaa xaqiijiyay dowladda Mali.

Doonta waxaa sarnaa rakaab gaaraya 80 qof, waxaana ka badbaaday 11 qof sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowlada Mali. 9 ka mid ah dadka la soo badbaadiyay waxay u dhasheen Mali.

Shaqo la’aanta iyo saameynta isbeddelka cimilada ay ku keentay beeraha ayaa ku qasbay dadka in ay nolol fiican ka raadsadaan Yurub.

Jidka muhaajiriinta oo ka soo bilowda xeebaha Mauritania oo la sii maro Morocco sidaasna lagu gaaro Spain ayaa loo arkaa in uu yahay jidka ugu khatarsan adduunka.

Waxaa si weyn u kordhay tirada dadka maraya jidka Atlantica si ay Yurub u gaaraan. Toddobaadkan ayey hay’ad gargaar sheegtay in tiro ka badan 10 kun ay sanadkan dhinteen iyagoo isku dayaya in doon ku gaaraan Spain.