Carruurta Gaza oo laga baqayo in ay qabow u dhintaan.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxa Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee Taakulaynta Qaxootiga Falastiin (UNRWA), Philip Lazzarini, ayaa sheegay in carruurta ku nool Gaza ay halis ugu jiraan inay qabowga daran ee jiilaalka u dhintaan, iyagoo wajahaya hoy la’aan iyo agab la’aan.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Lazzarini wuxuu xusay in aan weli ogolaansho loo siin gelitaanka alaabaha muhiimka ah ee Gaza, oo ay ka mid yihiin bustayaal, iyo agab kale oo lagama maarmaan u ah xilliga qabowga.

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegay in xaaladda gaajada ee Gaza ay sii xumaanayso, iyadoo dad badani aysan helin cunto ku filan nolol-maalmeedkooda.

WFP ayaa ku baaqday in xabbad-joojin degdeg ah ay tahay dariiqa kaliya ee lagu badbaadin karo nolosha dadka ku nool Gaza.