Mohamed Salah oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Kulanka Leicester City.

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa laga yaabaa in uu gaadho taariikh cusub oo gool dhalinta Premier League ah marka ay Reds marti galinayso Leicester City kulanka Boxing Day-ga ee Anfield.

32-sano jirku waxa uu silicaya difaacyada premier League xilli ciyaareedkan isaga oo wacdaro dhigay ilaa haatan.

Salah ayaa dhaliyay 10 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale premier League ka hor ciida Christmas-ka waana xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay taariikhda.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa sidoo kale dhaliyay oo caawiyay ugu yaraan 10 gool lix xilli ciyaareed oo kala duwan oo Premier League ah.

Waa rikoodh kale oo uu Salah ku xoojiyay waxqabadkiisa premier League si uu isugu qoro taariikhda premier League.

Hadda isaga oo hogaaminaya gooldhalinta premier League isaga oo leh 15 gool sidoo kale caawiye ka noqday 11 kale xilli ciyaareedkan Salah ayaa baacsanaya rikoodh kale kulanka khamiista.

Hadii uu Salah dhaliyo gool kulanka Leicester City waxa uu noqon doonaa goolkiisii 100-aad ee garoonka kooxdiisa waana rikoodh ay kaliya horay u gaadheen 7 xiddig.

Xiddigaha Harry Kane, Robbie Fowler, Sergio Aguero, Thierry Henry, Alan Shearer, Wayne Rooney iyo Andy Cole ayaa ah xiddigaha horay u dhaliyay 100 gool garoonka kooxdooda premier League.