Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda waxbarashada ee dalka Falastiin ayaa shaacisay in 12,820 arday ah la dilay halka 21,351 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ee waddankaasi.
Wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA ayaa qortay in tiradan la diiwaangeliyay laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore oo ay Israa’iil guda gashay duullaanka militeri ee weli socda.
12,700 oo ardaydan ka mid ah ayaa lagu dilay Qaza iyadoo la dhaawacay 20,702 oo kale
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in 119 arday ah lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto halka 649 kalena lagu dhaawacay.
Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay dabaqa saddexaad ee isbitaalka al-Awda ee xerada qaxootiga ee Jabalia ee ku taalla Waqooyiga Marinka Qaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa waxyaabaha qarxa ee meelaha fog laga hago ku qarxiyay isbitaalka Kamaal Adwan ee Waqooyiga Beit Lahiya kaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 bukaan iyo shaqaale caafimaad.
Sidoo kale Beit Lahiya, saraakiisha Israa’iil ayaa ku qasbay bukaannada inay ka baxaan isbitaalka Indonesia Hospital sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Duullaanka militari ay Israa’iil ka waddo gudaha Marinka Qaza ayaa laga soo bilaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,317 qof halka muddadan la dhaawacay 107,713 kale oo Falastiniyiin ah.