Dalka Albania oo muddo sannad ah mamnuucay TikTok

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Albania ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay damacsan tahay inay xannibto isticmaalka TikTok muddo hal sano ah ka dib markii la dilay arday iskuul dhiganaysay bishii hore taasoo keentay cabsida laga qabo saameynta baraha bulshada ay ku leeyihiin carruurta.

Isagoo hadlayay Sabtidii Edi Rama wuxuu ku dhawaaqay mamnuucida la soo jeediyay inay bilaabaneyso Janaayo.

TikTok waxay sheegtay inay dawladda Albania ka raadinayso caddayn degdeg ah oo ku saabsan mamnuucidda la soo jeediyay.

Barta bulshada ee TikTok ayaa BBC-da u sheegtay in aysan helin wax caddayn ah oo la xiriira qofka la sheegay in uu tooriyeeyay wiilka 14 jirka ah, ama dhibbanaha laftiisa, uu lahaa akoonnada TikTok.

Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay caasimadda Albania ee Tirana oo ay la yeesheen macalimiin, iyo waalidiin waxay TikTok ku tilmaantay “tuugta xaafadda”.

“Waxaan xiri doonnaa muddo hal sano ah, waxaanan billaabaynaa inaan soo bandhigno barnaamijyo u adeegaya waxbarashada ardayda oo ka caawinaya waalidiinta inay raacaan geeddi socodka caruurtooda,” Rama ayaa tiri.

Xayiraadda TikTok ayaa timid wax ka yar hal bil kaddib markii ardaygii 14-jirka ahaa lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay dagaal ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla koonfurta Tirana, kaasoo salka ku haya iska horimaad ka dhacay baraha bulshada.

Dilkan ayaa waxa uu Albania ka dhaliyay dood u dhaxaysa waalidiinta, khubarada cilmi nafsiga iyo xarumaha waxbarashada oo ku saabsan saamaynta shabakadaha bulshadu ku leeyihiin dhalinyarada.