Erdogan oo sanadkan sii balaariyey saameynta Turkiga ee caalamka.

0
30

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sannadkan 2024-ka dadaal xooggan ku bixiyay in uu sii balaariyo saameynta Turkiga ee caalamka.

Erdogan wuxuu ku guuleystay siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan markii uu ka shaqeeyay riditaanka Bashaar al-Asad ee Suuriya iyo xoojinta xiriirka uu la leeyahay dalal badan oo Afrikaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Galbeedka way sii socdaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira Israa’iil iyo xiriirka dhow ee Erdogan la leeyahay Ruushka.