DF oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro xabsiyo ku jiray.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo IOM ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo madax-furasho u heystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maryan Yaasiin Xaaji Ergayga Gaarka ah ee Xafiiska Madaxweynaha JFS u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta oo ka hadashay hawlaha soo celinta Gurmadka dhalinyarada tahriibayaasha ah waxaana ay ugu baaqday in ay la xiriiraan safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xoogga saareysa sidii dhallinyarada Soomaaliya ee ku dhibaateysan dalalka caalamka gaar ahaan dalalka Liibiya iyo Suudaan dib ugu soo celin lahayd ugana badbaadin lahayd dhibaatada ay tahriibka kala kulmaan, waxay dhawaan dalka ku soo celiyay ku dhwaad 100- dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha Jaziiradda Madagascar.