Dood ku saabsan qorshaha Caafimaadka Qaranka oo Muqdisho lagu qabtay.

0
57

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Maxamed Xassan Maxamed Bulaale, ayaa ka qaybgalay dood cilmiyeed muhiim ah oo looga hadlayay Qorshaha Caafimaadka Qaranka Dooda oo lagu qabtay Isbitaalka Ordogan ex-Digfeee waxaana ka soo qaybgalay khubaro caafimaad, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wakiillo ka socda ururada aan dowliga ahayn.

Wasiirka ayaa jeediyay hadal diiradda saaraya muhiimadda Qorshaha Caafimaadka Qaranka gaar ahaan sidii loo hubin lahaa helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh iyada oo la hirgelinayo caymis caafimaad oo guud Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshuhu diiradda saarayo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada caafimaadka meelaha fogfog iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa ka hortagga cudurrada.

Doodda ayaa isku keentay khubaro caafimaad iyo wakiillo ka socda hay’ado badan oo iska kaashaday falanqeynta caqabadaha haysta nidaamka caafimaadka dalka sida kheyraadka oo kooban, baahida loo qabo shaqaale caafimaad oo ku filan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda, ururada aan dowliga ahayn iyo bulshada rayidka ah.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ugu dambeyn ku boorriyay bulshada iyo hay’adaha kala duwan inay iska kaashadaan hirgelinta qorshahan isaga oo adkeeyay in wadajir lagu dhisi karo nidaam caafimaad oo horumarsan. Isaga oo gunaanadaya ayuu yiri Wadajir, waxaan ku dhisi karnaa qaran caafimaad leh ayadoona Wasaaradda Caafimaadku ay ka go’antahay inay horumariso caafimaadka dhammaan muwaadiniinta.