Benjamin Netanyahu oo markii ugu horreysay ka soo hormuuqday maxkamad

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horreysay ka soo hormuuqday saddex garsoorayaal oo go’aan ka gaari doono dacwaddiisa.

Netanyahu oo ah 75 sano jir ayaa sanadkii 2019-kii lagu soo eedeeyay kiis musuqmaasuq ah.

Waxaa uu noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay oo isagoo xil hoggaamineed ka haya Israa’iil lagu eedeyay inuu dembi sameeyay.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay xaakinnada ku amreen Netanyahu in isbuuciiba uu saddex mar maxkamadda iska xaadiriyo.

Netanyahu ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira laaluush qaadasho, wax isdaba marin iyo kalsooni darro.

Hasa ahaate, wuxuu iska fogeeyay inuu wax khalad ah sameeyay .