Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay lacag dhan 14.6 milyan oo dollar.

0
30

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan $145.6 Milyan oo Doolar taas oo Dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buugeeda deymaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab istaageen Dowladda Soomaaliya iyo saamaxaada lacagihii ay ku lahaayeen Dowladda.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal xoogan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gabagaboobay dabayaaqadii 2023-kii.