Shacabka Romania oo u codeynaya xubnaha Baarlamaanka.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadweynaha ku nool dalka Romania ee qaaradda Yurub ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ku soo xulanayaan xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii wareegga koowaad ee codbixinta ee doorashada guud uu ku guulaystay Musharraxa garabka midig Calin Georgescu.

Cod-bixiyeyaasha Romania ayaa u codeynaya 323 xildhibaan iyo 133 senatarro ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in muwaadiniinta qurbaha dalkaasi ku nool ay shalay codkooda dhiibteen.