Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday Dakedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, waxa ay hay’adda Qatar Charity Xafiiskeeda Soomaaliya kala wareegtay Shixnad gargaar ah.
Gargaarkaan ayaa ka kooban 250-Teendho oo loogu talagalay dadka danta-yar si ay hooy uga dhigtaan, looguna diyaar-garowbo xaaaladaha imaan kara, waxaana munaasabadaan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Axmed Cabdi Aadan, Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Abdullah Salem Al Nuaimi iyo Masuuliyiin kale.
Guddoomiye Axmed Cabdi Aadan oo ka hadlay munaasabadaan ayaa u mahadceliyay dowladda Qatar iyo madaxda Hay’adda Qatar Charity, isagoo ballan-qaaday in deeqdaan dadkii mudnaa ay gaarsiinayaan.