Golaha Wasiirada Israa’iil oo Talaadada maanta ka shiraya xabad joojin ay la galayaan Xisbullah.

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Golaha wasiirada ee amniga Israa’iil ayaa kulmaya Talaadada maanta si ay ugwada hadlaan sidii ay u ansixin lahaayeen xaabd joojin ay la galaan Xisbullah.

Heshiis kama dambays ah weli laguma dhawaaqin, laakiin ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa lagu soo warramayaa inuu aqbalay mabda’a ahaan qodobbadii assaasaka u ahaa.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Lubnaan (Elias Bou Saab) ayaa sheegay in uusan u arag caqabado halis ah oo ku wajahan xabbad joojinta uu Mareykanku soo jeediyay.

Arinkan ayaa waxay ku lug yeelan doontaa in Xisbullah ay dib u u celiso dagaalyahanadeeda meel ka danbeysa wabiga Litani, oo qiyaastii soddon kilomitir u jirta xudduudda Israel, iyo ka bixitaanka Israel ee koonfurta Lubnaan.

Ilaa hadda Hezbollah waxa ay ka soo horjeesatay dalabaadka Israa’iil ee ah in ay awoodi karto in ay qaaddo tallaabo milatari haddii Xisbullah loo arko in ay jabisay qodobbadii xabbad joojinta. Tan ayaa laga yaabaa in ay tahay qodoob adag oo dooddiisu ay sii socon karto.