7 Ruux oo ku dhimatay Shil Gaari duleedka Magaalada Gaarisa

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inta la xaqiijiyay ilaa 7 Ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhaxeeysa degaanka Thika iyo Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Gaari Bas ah oo ay leedahay Shirkadda Palanet uu dulmaray Gaari yar oo ah nooca Toyoto ah xilli ay marayeen deegaanka Kanyonyoo aee ku teedsan waddada wayn ee xiriiriso magaalooyinka Thika iyo Gaarisa.

Gaariga yar ayaa ka yimid dhinaca Magaalada Gaarisa, isaga oo ku wajahnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalk Kenya, balse shilkaasi uu la kulmay.

Taliyaha Booliska deegaanka hoose Yatta Mary Kashee Njoki ayaa xaqiijisay shilkan, iyada oo uga digtay darawaliinta inay baabuurta u kaxeeyaan si xowli ah.

In ka badan muddo 72 saacadood ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in gudaha dalka Kenya ay shilal gaari ugu geeriyoodeen in ka badan 20 qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.