Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 6 dhallaan ah ka dib markii uu dab ka kacay isbitaal ubadka lagu xannaaneeya oo ku yaalla caasimadda dalka India ee New Delhi.
Dabkan ayaa xalay xilli dambe ka kacay xaruntaasi caafimaad oo ku taalla dhanka Bari ee New Delhi.
Waaxda dab damiska ayaa warbaahinta u sheegtay in la soo samatabixiyay 6 canug oo dheeraad ah.
Booliiska India ayaa sheegay in dabka la demiyay.
Waxay intaasi ku dareen inuu baxsaday milkiilaha isbitaalkaasi gubtay waxaana socdo baaritaan dhacdadaasi ku aaddan iyadoo laamaha ammaanka ee India ay sheegeen in lala xisaabtami doono cidii sameysay dayacaad mas’uuliyadeed.
Tani ayaa ku soo beegantay hal maalin un ka dib markii 27 ruux ay ku dhinteen dab saameeyay xarun madadaalo oo ku taalla gobolka Galbeed ee Gujarat ee dalka India.