58 Sideed Sannadood Ka Dib West Ham Oo Ku Guuleysatay Koob Yurub Ah, Fiorentina Ayay Garaaceen

0
96

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jarrod Bowen ayaa dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 90aad iyadoo West Ham ay  garaacday Fiorentina islamarkaana ku guuleysatay koobka Europa Conference League, final xiiso badnaa oo ka dhacay magaalada Prague ee caasimada dalka Czech.

Bowen ayaa ka baxsaday dabinka offside-ka ka hor inta uusan dhalinin goolka guusha oo uu ka dulqaaday goolhayaha Fiorentina Pietro Terracciono.

Said Benrahma ayaa hogaanka u dhiibay West Ham daqiiqadii 62aad gool rigoore ahaa iyadoo Giacomo Bonaventura uu u barbareeyay kooxda Talyaaniga daqiiqado ka dib.

Guushaan waxay soo gabagabeyneysaa sugitaankoodii 58da sannadood ee koobkoodii labaad ee weyn ee Yurub.

Sidoo kale waa koobkoodii ugu horeysay ee ay ku guuleystaan tan iyo markii ay ku guuleysteen koobka FA Cup sannadii 1980kii.

Seddexdii kooxood ee Talyaaniga ee soo gaaray finalka seddexda kooxood ee Yurub waxaa durbaba uu jab soo gaaray labo ka mid ah. Fiorentina oo haatan laga qaaday Europa Conference League iyo AS Roma oo laga qaaday Europa League ka dib guuldaradii ka soo gaartay Sevilla.

Waxaa haatan u haray Inter Milan oo joogta finalka Champions League islamarkaana la ciyaareysa Manchester City maalinta Sabtida.