Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 58 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay wadanka Tanzania.
Waxaa tiradan ka mid ah carruur.
Afhayeenka dowladda Tanzania Mobhare Matinyi ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dhimashada la diiwaangeliyey tan iyo billowgii bishan April.
Saameynta ugu badan ee fatahaadaha ayaa laga soo tabiyay dhanka xeebta Tanzania.
Waxay saameyn soo gaartay in ka badan 10,000 oo qoysas ah iyo in ka badan 75,000 oo beero ah.
Dhanka kale roobab culus oo ka da’ay Afghanistan iyo fatahaado ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 33 ruux.
Waxaa sidatan shaacisay waaxda Afghanistan u qaabilsan maareynta musiibooyinka.
Afhayeenka waaxdan Janan Sayeq ayaa sheegay in 27 qof oo dheeraad ah ay dhaawacmeen, waxaa burburay 600 oo guriyo ah , ku dhawaad 600 oo kiilomitir oo waddooyin ah iyo ilaa 2,000 oo eekar oo dhul beereed ah.