Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ee khadka dhexe uga ciayara Real Madrid ayaa si cad u sheegay tirada koobabka uu doonayo in uu ku guuleysto iyo hammigiisa ah in uu soo afjaro abaarta xulka qaranka England ee soo taxnayd illaa 1966kii oo ahayd guushii ugu dambaysay ee uu dalkiisu gaadho.
Jude Bellingham oo laba gool u dhaliyey Real Madrid ciyaartii El Clasico ee Barcelona, isla markaana Isniintii ku guuleystay abaal-marinta Kopa Trophy ee xiddiga ugu fiican da’yarta dunida, ayaa waraysi uu bixiyey waxa lagu weydiiyey arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan hammigiisa kubadda cagta.
20 jirkan oo ka jawaabayay su’aal ahayd tirada koobabka uu doonayo inuu ku guuleysto ayaa ku jawaabay: “Shan sannadood gudahood, waxa aan doonayaa in aan ku guuleysto Shan Champions League, tartanka qaramada Yurub iyo Koobka Adduunka. Anigu waxa aan ahay qof mar walba isku daya in uu ciyaarta u arko qaab togan oo suurtogal ah.”
Jude Bellingham ayaa mar kale la weydiiyey haddii carruurnimadiisii uu filayay in uu u ciyaari doono Real Madrid isaga oo aan wali ka dheelin horyaalka dalkiisa Premier League, waxaanu ku jawaabay: “Haddii uu qof ii sheegi lahaa markii aan carruurta ahaa, in aan saddex sannadood ka ciyaarayo Germany, kaddibna aan tegayo Spain aniga oo aan ka ciyaarin horyaalka Premier League, waxay igu noqon lahayd layaab.”
Filashadiisii Real Madrid iyo waxyaabihii niyaddiisa ku jiray ayaa sidoo kale uu soo qaaday, waxaanu yidhi: “Runtu waxay tahay in markii aan imid Real Madrid ee aan arkay waxyaabaha ay ku guuleysteen, in ay igu adkaatay in aan rumaysto. Toddobaadyadii ugu horreeyey, marka aanu qof is-baranayno, waxa aan ahaa sidii canug yar, waxaanan dadka ku lahaa, ‘Oh, anigu halkan ayaan fadhiisanayaa, waxaanan ku ag-cashaynayaa Toni Kroos.”