42 Dhallinyaro Soomaali tahriibayaal oo xabsiga Zambia laga soo sii daayay

0
340

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tahriibayaal Soomaali ah oo dhammaantood ahaa dhallinyarado, kuna xirnaa dalka Zambiya, ayaa xabsiyada laga sii daayay, kaddib dadaalo ay sameeyeen jaaliyadda iyo safaarada Soomaalidda ee dalkaasi.

Dhallinyaradan ayaa u socday dalka Koonfur-Afrika.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalidda ee dalka Zambia Maxamuud Maxamed oo magac dheer Hiiraan oo u warramayay HOL ayaa sheegay in dhallinyarada la sii daayay oo gaaraya 42 oo ay kamid yihiin labo dumar ah.

Jaaliyadda iyo safaaradda Soomaalidda ee dalka Zambia ayaa iska kaashaday dadaaladii lagu sii daayay dhallinyaradaas, sida uu sheegay guddoomiyaha, isagoo intaa raaciyay in guud ahaan dhallinyarada la xiray ay ahaayeen 100, balse hadda lagu guuleystay sii deynta 42 kamid, halka sidoo kale ay socdaan dedaalo lagu sii deynayo dhallinyarada kale.