4 Weeraryahan Oo Ay Arsenal U Dhaqaaqi Karto Si Ay Ugu Xaliso Dhibaatada Weerarka.

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa wajaheysa suurtagalinimada in ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysato weeraryahan la’aan kadib dhaawacii Soo gaadhay Kai Havertz.

Arsenal ayaa rajaynaysay in ay ka faa’iidaysato cimilada diiran ee magaaladaasi Dubai dib-na u bilaabaan tartanka premier league.

Laakiin waxa ay Dubai kala Soo laabteen war xun iyaga oo dhaawac inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ku Waayay weeraryahanka Kai Havertz.

Iyada oo Saka, Martinelli iyo Jesus Dhamaantood dhaawacyo ku maqan yihiin kooxda Arsenal ayaan haysan weeraryahan la isku halayn karo.

Arsenal ayaan suuqii January wax Saxiix ah samayn inkasta oo la xidhiidhinayay xiddigo badan oo uu ka mid yahay Iska. Watkins iyo xiddigo kale.

Iyadoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu xiran yahay ilaa xagaaga, Arsenal ayaan samayn karin saxiixyo Waaweyn.

Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaa laga yaabaa inay si weyn u tixgeliso inay u dhaqaaqdo xiddigaha xorta ah.

  • Diego Costa
  • Mariano Diaz
  • Maxi Gomez
  • Wissam Ben Yedder