36 qof oo ku dhimatay waddo ku burburtay Shiinaha

0
58

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay burburkii saameeyay qayb ka mid ah waddo wayn oo ku taalla Koonfurta dalka Shiinaha.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 36 qof.
Waxaa dhanka kale socdo howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya dad dheeraad ah oo la rumeysan yihiin in ay weli halkaasi ku xanniban yihiin.

Waxaa howlaha samatabixinta ka qayb qaadanaya ilaa 500 oo ah shaqaalaha waaxyaha qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah .
Wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in 30 ruux oo kale ay dhaawacmeen.

Burburka waddada ayaa dhacay aroornimadii hore ee shalay iyadoo ay Shiinaha ka billowdeen fasaxyada bishan May.