2,500 oo muhaajiriin ah oo ku dhintay badda Meditareeniyaanka 2023.

0
72

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR.

Tiradan ayaa dhigan koror weyn oo ku yimid tiradii 1,680 ee dhintay ama la waayey muddadan oo kale ee sannadkii 2022.

Socdaalka dhulka ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, illaa xeebaha laga baxo ee Tunisia iyo Libya ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan caalamka.

Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, Janaayo ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.

Marka ay noqoto halka laga soo baxo, intii u dhaxeysay Janaayo iyo August ee sannadkan, waxaa la qiyaasayaa in in ka badan 102,000 oo qaxooti ay isku dayeen inay badda Meditareeniyaanka uga soo gudbaan Tunisia, halka 45,000 ay kasoo baxeen Libya.

Qiyaastii 31,000 oo qof ayaa laga soo badbaadiyay badda ama dhexda laga qabtay oo laga soo dejiyay Tunisia, halka 10,600 laga dejiyey Libya.

Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, Janaayo ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.