Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 22 ruux halka dhowr kalena la la’yahay ka dib dhul go’ laga soo tabiyay goob macdanta laga qado ee ku taalla waqooyiga dalka Tanzania.
Waxaa sidatan xaqiijisay madaxweynaha wadanka Tanzania Saamiya Suluhu Xasan.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayay ku sheegtay inay aad uga xun tahay warbixinta ku saabsan dhimashada 22 qof.
Waxaa ay u tacsiyadeysay qoysaska dadka ku dhintay dhul go’.
Wasaaradda difaaca iyo amniga ee dalkaasi oo kaashanaya madaxda maamul goboleedyada ayaa wada dadaallo lagu baadigoobayo meydad kale oo weli ku xayiran burburka.
Bishii hore ayay ahayd markii 76 ruux ay ku dhinteen daadadka iyo dhul go’a laga soo tabiyay Waqooyiga dalka Tanzania.