Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ku dhawaaqday in 2.4 milyan oo qof oo ku nool gobollada dhaca waqooyiga iyo bariga Kenya ay qarka u saaranyihiin macaluul halka loo gaaro bisha November ee sanadkan.
Tirada ay sheegtay WFP ayaa saddex laab ka badan tirada dadkii ku saamoobay abaarihii dhacay sanadkii tagay iyada oo hay’addu ay ku dhawaaqday in deegaannadaas dhaqaale loo uruuriyo inteey goori goor tahay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan ka warbixiyay xaaladda abaareed ee ka jirta dalkiisa taas oo uu sheegay in 2.1 oo qof ay macaaluul wajahayaan isaga oo soo xiganaya hay’adda qaran ee abaaraha.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay la dagaallanka xaaladda abaareed ee dalkaas ka taagan ay u qoondeysay dhaqaale dhan 18 milyan oo dollar
Hay’adda Cunnada Addunka ayaa sheegtay in xaaladda abaareed ee ka jirta Kenya ay suuragal tahay in ay ka sii darto bilaha soo aaddan.
Dalalka dhaca Bariga Africa oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa sanadihii la soo dhaafay wajahay abaaro sababay in tiro aad u badan uu dad ah ay u baahdaan gargaar bani aadannimo.
Abaarahan ayaa loo aanaynayaa musiibooyinka dabiiciga ah ee iska soo daba noqday sida roob yarida, saamayntii uu ayuxu ku yeeshay dalaggii beeraha iyo xanuunka Covid-19.