Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, halka 186 kale la la’yahay, kadib markii afar doon oo siday tahriibayaal ka soo baxay Afrika ay ku qalibmeen biyaha u dhow Yemen iyo Jabuuti habeenimadii Khamiista, sida ay shaacisay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.
Afhayeenka IOM ayaa sheegay in laba ka mid ah doonyaha ay ku qalibmeen biyaha Yemen, halkaas oo laba ka mid ah shaqaalaha doonyaha la badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah ay weli la la’yihiin.
Yemen waa marin muhiim ah oo ay tahriibayaal ka socda Bariga Afrika iyo Geeska Afrika u maraan si ay shaqo uga helaan dalalka Khaliijka, iyadoo sannad kasta ay boqolaal kun ku safraan waddadan halista ah.
Tahriibayaashu waxay badanaa la safraan magafayaal adeegsada doonyo buux dhaafay oo badda mariya, iyagoo ka tallaabaya Badda Cas ama Gacanka Cadan.
Sida lagu sheegay warbixin ay IOM soo saartay bishan, tirada dadka tahriibayaal ah ee gaaray Yemen waxay kor u dhaaftay 97,200 sanadkii 2023—saddex laab tiradii 2021.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 2,082 tahriibayaal ah ayaa ku lumay marinkan, kuwaas oo 693 ka mid ah la xaqiijiyay inay badda ku dhinteen, sida laga soo xigtay IOM. Qiyaastii 380,000 tahriibayaal ah ayaa haatan ku sugan gudaha Yemen.