18 qof oo lagu dilay colaad ka dhacday xadka Tana River iyo Gaarisa.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ururrada bulshada rayidka ah ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa baaq nabadeed u diray, beelo dhawaan ku dagaallamay degmada Tana River oo ka mid ah deegaanada xadka la leh magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen isku dhacyadi ugu danbeeyay ee labada beel, kuwaas oo isku heysta dhul daaqisin ah.