Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la xaqiijiyay in 18 qof ay dhinteen ka dib markii diyaarad rakaab sidday ay burburtay oo ay gubatay wax yar un ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu.
Saraakiisha waaxda duullimaadka ee waddankaasi ayaa xaqiijiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilka.
Waxaa keliya dhacdadaasi ka badaaday hal qof oo ah duuliyihii diyaaradda oo ay isna dhaawacyo soo gaareen.
Diyaaradda shilka gashay ayaa waxaa leh shirkadda maxalliga ee duullimaadka ee Saurya Airlines.
Waxay diyaaradda ku wajahnayd magaala xeebeedda Pokhara iyadoo la baarayo sababtii keentay in ay soo dhacdo oo uu dab qabsado.
Sarkaal caafimaad oo ka howlgalo isbitaal ku yaalla Kathmandu ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in duuliyaha uu ka dhaawacmay dhanka indhaha in kastoo aynan xaaladiisa halis ahayn.
Rakaabka ayaa isugu jiray 18 u dhashay Nepal oo uu ka mid yahay canug yar iyo muwaadin ka soo jeeday Yemen.