150 Qof oo Ku Geeriyootay Isbuurasho Ka Dhacday Kuuriyada Koofureed

0
170

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Boqol iyo konton qof ayaa ku geeriyooday 82 qofna dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib isbuurasho dadweyne oo ka dhacday magaalada Seoul ee caasimadda Kuuriyada Koofureed.

Dhacdadan ayaa ka dhacday goob ay ku sugnaayeen dadweyne aad u faro-badan oo u dabbaaldagayay munaasabadda loo yaqaanno Halloween.

Dabbaaldeggan oo ay isugu soo baxeen in ka badan boqol kun oo qof ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee lagu qabto goobtaas tan iyo markii uu xanuunka Covid-19 ka dillaacay dunida.

Weli waxaa socda baaritaan ay wadaan hay’adaha dowladda oo ku aaddan sababta isbuurashadaasi keentay.

Kulan degdeg ah oo ay dowladdu abaabushay ayaa lagu magacaabay guddi gacan ka geysta baxnaanada dadka ku dhaawacmay dhacdadaas.

Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Midowga Yurub ayaa dhankooda tilmaamay sida ay uga xunyihiin dhibaatada ka dhacday Seoul.