12ka Kooxood Ee U Gudbay Wareegga 16ka Champions League, Kuwa Isku Hadhay Iyo Waqtiga La Samaynayo Isku-aadka

0
244
The trophy is placed on display for the photographers before the soccer Champions League draw in Istanbul, Turkey, Thursday, Aug. 26, 2021. (AP Photo/Emrah Gurel)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-12 kooxood ayaa iska xaadiriyey wareegga 16ka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana la sugayaa in ay kusoo biiraan afar kooxood oo kale oo natiijadoodu isla gaadhay kulanka ugu dambeeya heerka group-yada.

Laba kooxood ayaa kasoo bixi doona group-ka la isku dheggan yahay ee D oo ay ku wada jiraan Tottenham oo siddeed dhibcood haysata, Sporting CP iyo Eintracht Frankfurt oo min toddoba dhibcood haysa iyo waliba Marseille oo lix dhibcood leh.

Waxa kale oo la sugayaa oo aan wali lagu kala bixin Group E oo ay kaliya Chelsea kasoo gudubtay laakiin ay isku dheggan yihiin AC Milan iyo FC Salzburg, kuwaas oo midkood uu booskiisa wareegga 16ka xaqiijisan doono oo uu soo raacayo Chelsea, halka kooxda kalena ay u dhaadhici doonto Europa League.

Group F oo ay Real Madrid kasoo baxday ayaa waxa isagana ku hadhay hal koox, iyadoo aanay wali kala dhamaanin RB Leipzig oo sagaal dhibcood haysata iyo Shakhtar Donetsk oo lix dhibcood ku fadhida kaalinta saddexaad. Labadan ciyaarood oo usbuuca dambe wada ciyaaraya ayaa waxa kulankoodii hore 4-1 ay guushu ku raacday Shakhtar Donetsk oo kaliya kusoo gudbi karta inay guuleysato, haddii se ay barbarreeyaan amaba laga badiyo sidaas ayay ku hadhi doonaan.

Kooxaha usoo gudbay wareegga 16ka

N.B: Naadiyada ay hortooda taallo calaamadda (*) waxay kusoo baxeen kaalinta koowaad.

Bayern (GER)*
Benfica (POR)
Chelsea (ENG)*
Club Brugge (BEL)
Dortmund (GER)
Inter (ITA)
Liverpool (ENG)
Manchester City (ENG)*
Napoli (ITA)
Paris Saint-Germain (FRA)
Porto (POR)
Real Madrid (ESP)

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga 16ka

Isku-aadka wareegga 16ka Champions League ayaa la samayn doonaa maalinta Isniinta ee November 7, waxaana xaflad lagu qaban doonaa magaalada Nyon ee waddanka Switzerland.

Xafladda ayaa bilaabmi doonta 1da duhurnimo ee saacadda Geeska Afrika oo ku beegan 11am saacadda UK iyo Portugal.

Miyey isku beegmi karayaan kooxo isku waddan ah?

Wareegga 16ka Champions League ma jiro sharci kala ilaalinaya naadiyada isku waddanka ah. Kaliya waxa kala  badbaadaya kooxaha isku group-ka kasoo baxay ama kooxaha kaalmaha koowaad ama labaad kusoo wada baxay.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada wareegga 16ka?

Lugta hore ayaa la ciyaari doonaa 14/15/21/22 February, waana laba toddobaad oo isku xiga, halka lugta labaadna la dheeli doono 7/8/14/15 March.

Isku-aadka wareegyada siddeedda, semi-finalka iyo finalka oo wada socda ayaa la samayn doonaa maalinta Jimcaha ah ee 17 March.