Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay shaxda todobaadka ee kulamadii Premier League ee la ciyaaray Sabtidii iyo Axadii iyadoo ay natiijo waa weyn ka soo baxeen.
Arsenal ayaa sii xajisatay hogaankeeda horyaalka ka dib markii ay 1-0 uga badiyeen Leeds United, waxayna ka sii faa’ideysteen guuldaradii ugu horeysay ee Man City soo gaartay Liverpool kuwaasoo 1-0 ku dubtay kooxda horyaalka difaacaneysa.
Chelsea ayaa iyadana 2-0 ku garaacday Aston Villa halka Manchester United ay barbaro goolal la’aan ah la gashay Newcastle oo marti ku aheyd Old Trafford.
Goolhayaha isbuucaan ugu fiicnaa waa goolhayaha Wolves Jose Sa kaasoo kooxdiisa ka caawiyay guushii ay ka gaareen Nottingham Forest isagoo badbaadiyay fursado dhowr ah oo ay ku jirto rigoore.
Afarta daafac ee danbe waxaa labo ka mid ah qaatay kooxda Liverpool iyadoo James Milner iyo Joe Gomez ay wacdarro dhigeen kulankii ay Reds 1-0 ku dubatay Manchester City. Labadaan daafac ayaa ku guuleystay inay aamusiyaan Phil Foden iyo Erling Haaland.
Waxaa wehliya daafaca Chelsea Thiago Silva kaasoo hogaamiye u noqday Blues kulankii ay ka badiyeen Aston Villa oo cadaadis xoogan saartay, waxaana daafaca dhameystiraya xiddiga Man United Martinez oo mar kale ismuujiyay kulankii ay kooxdiisa barbaraha la gashay Newcastle.
Seddexda khadka dhexe waa xiddigo reer London ah, waxaa ugu horeeya laacibka Blues Mason Mount oo dhaliyay labadii ay Chelsea ku dubatay Aston Villa, waxaa sidoo kale ku jira xiddiga Arsenal Bukayo Saka oo dhaliyay goolkii kaliya ee ay Arsenal uga badisay Leeds halka Holjberg uu isna guusha u xaqiijiyay Tottenham.
Weerarka waxaa hogaaminaya Mohamed Salah oo goolka guusha u dhaliyay Liverpool kulankii ay garaaceen Man City, waxaa ku wehliya xiddiga Bournmouth Solanke kaasoo goolna dhaliyay mid caawiye ka ahaa kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Fulham, halka uu sidoo kale shaxda isbuuca ku soo baxay Toney kaasoo dhaliyay labadii gool ee ay Brentford kaga badisay Brighton.