116 qof oo ku dhintay daadadka Brazil, kumanaan kalena barakiciyay.

0
57

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 116 qof ayaa ku dhintay guud ahaan gobolka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil., iyadoo magaalooyin badan ay biyuha iyo daadadku gooyeen, rajada laga qabo in la helo in ka badan 140 qof oo weli la la’yahay ayaa sii yaraaneysa.

Inta badan Caasimadda gobolka Porto ayaa mugdi ka dhigay fatahaada, taasi oo waxyeelo u geysatay xarumaha korontada iyo biyaha, sidoo kale dadka deegaanka ayaa intooda badan ay ku dhacday biyo la’aan

Daadadkaan ayaa ah kii ugu xumaa ee Brazil soo mara muddo 80 sano ah, ilaa haddana waxay saameeyay ugu yaraan 265 degmo oo ku yaal Rio Grande do Sul,waxaana ku barakacay in ka badan 408,100 oo dad ah, halka 35,000 oo qofna uu burbur hantiyeed gaaray sida ay sheegtay waaxda difaaca madaniga ah ee koonfurta.

Daadadka ayaa la filayaa in ay ka sii daraan sida uu sheegay maamulka maxalliga ihi, iyadoo samata-bixiyeyaashu ay indha indheeyeen burburka guryaha biyuhu qaadeen, buundooyinka, iyo waddooyinka dadka lagu la’yahay.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay mashruuc raashin qeybin ah.