10,457 muhaajiriin ah oo dhintay ama la la’yahay sanadkan.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 10,457 muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayay iyagoo isku dayaya in ay badda ku gaaraan Spain sanadkan 2024, sida uu Khamiista maanta ah sheegay urur aan dowli ahayn, taasi oo ah in ka badan 50 boqolkiiba tirada sanadkii hore iyo tan ugu badan tan iyo markii tirakoobka la billaabay 2007.

Kororka boqolkiiba 58-ka ah waxaa ku jira 1,538 carruur iyo 421 haween, ayey tiri kooxda u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Caminando Fronteras ama Walking Borders oo soo saartay warbixin daboolaysa muddada u dhaxaysa Janaayo 1 ilaa December 5, 2024.

Waxay ka dhigan tahay celcelis ahaan 30 dhimasho maalintii, taasi oo ka badan celceliskii sanadkii 2023 oo ahaa 18 qof maalinkii.

Kooxda waxay xogteeda ka ururisaa khadadka taleefoonnada ee loo diyaariyey muhaajiriinta saaran doomaha ay dhibaatadu haysato si ay ugu wacdaan gargaar, qoysaska muhaajiriinta la waayay iyo tirakoobka dowladda.

Waxay ku eedaysay sare u kaca dhimashada, adeegsiga doomaha jilicsan iyo marinada khatarta ah iyo sidoo kale agab la’aanta samata-bixiyayaasha.