Shir looga hadlayay Dowlad-wanaaga oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo

0
46
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay Shirka Madasha Wadahadallada Bulshada ee Dowlad-wanaagga.
Shirka oo si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubaland, Mudane Maxamed Yuusuf, ayaa lagaga hadlay dowlad-wanaagga iyo kaalinta uu Islaamku kaga jiro.