Muxuu Arne Slot Ka Yiri Guuldarradii Kooxdiisa Kasoo Gaartay Chelsea?

0
114

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa sheegay in uu arkay dhinac togan oo qarsoon inkastoo kooxdiisu 2-1 kaga badisay Chelsea garoonka Stamford Bridge kulankii Premier League.

Slot ayaa tilmaamay in tirada fursadaha ay kooxdiisu abuurtay – gaar ahaan qeybtii labaad – ay ahayd wax dhiirigelin leh inkastoo natiijadu aysan fiicnayn.

Isagoo la hadlay BBC kadib ciyaarta, ayuu yiri:

“Markaad timaaddo Stamford Bridge oo aad abuurto fursado sida kuwa aan maanta helnay, waa wax togan oo aa wanaagsan.”

Wuxuu sii raaciyay:“Waxaan ciyaar kasta ogolaanay laba gool – labadii kulan ee Crystal Palace toddobaadkii hore iyo kan Chelsea maanta. Fursaddii kaliya ee ay heleen qeybtii hore – way ka faa’iideysteen – nasiib darro annagu ma aanan dhalin.”

Guuldarradan ayaa micnaheedu yahay in Liverpool ay lumisay kulankeedii ugu horreeyay kadib saddex guul oo xiriir ah, iyadoo haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.