Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Paul Pogba.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan diyaar u ahayn inay Paul Pogba ku soo dhaweyso tababarka ka dib markii uu ka tagay Juventus.

Xirfada 31 jirka ah ayuu soo wajahay mugdi kadib markii la ganaaxay 4 sano sabab la xidhiidha daroogooyin uu isticmaalay.

Si kasta ha ahaatee maxkamada kubada cagta CAS ayaa ka yaraysay ganaaxa waxana uu Pogba ku soo laaban doonaa ciyaaraha March sanadka 2025.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay sanadkii 2018 ayaa ku soo laaban kara tababarka bisha January taas oo la macno ah in uu haysto hal bil si uu u helo koox uu tababar la qaato.

Sabab la xidhiidha dhaawacyo iyo ganaax, Pogba ayaa kaliya 12 kulan u saftay Juventus tan ilaa markii uu ka tagay Man United.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, Manchester United ayaa gaartay go’aan la taaban karo oo ku saabsan suurtagalnimada in Pogba uu si lama filaan ah ugu soo laabto kooxda mustaqbalka dhow.

Wararka xanta ah ayaa bilaabay in ay soo baxaan in 31-sano jirkaan laga yaabo in uu tababar la qaato Man United.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in Man United aysan qorsheyneynin inay Pogba ku soo celiso xaruntooda tababarka Carrington.