Liverpool Oo 4 Weeraryahan Kala Dooranaysa Suuqa Xagaaga.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa soo gabagabaysay liiska afarta weeraryahan ee u sharaxan xagaagan iyagoo isku diyaarinaya inay keenaan gooldhaliye heer sarre ah, sida ay wararku sheegayaan.

Reds ayaa si cajiib ah ku bilaabatay suuqa kala iibsiga ciyaartoyada iyada oo hal saxiix dhamaystirtay Isla markaas ku dhaw dhamaystirka 2 saxiix oo kale.

Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay la soo saxiixato weeraryahan cusub suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay saxafiga Ben Jacobs, Liverpool ayaa diyaarsatay 4 weeraryahan oo ay midkood u dhaqaaqayso saxiixooda suuqa xagaaga.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay midkood u dhaqaaqi doonto midkood xiddigaha Alexander Isak, Hugo Ekitike, Benjamin Sesko iyo Joao Pedro.