Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Isra’il ayaa sheegay in ay weerarro qorsheysan la beegsadeen bartilmaameedyo goobo cayiman oo barnaamijka Nukleer-ka Iranah.
Afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa waxa uu ugu yeeray daandaansi Isra’il uga yimid maamulka Iran. Wuxuuna intaas ku daray in “dhowr iyo toban diyaardood oo Isra’il leedahay ayaa ka qaybgalay “wajiga koobaad” ee duqeyn loo geystey bartilmaameedyo kala duwan oo dalka Iran ku tirsan.
“Maanta Iran waxay aad ugu dhawdahay in ay sameysato hubka wax gumaada ee Nukleerka, kaas oo halis ku ah jiritaanka Dowladda Isra’il iyo dunidaba”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay militariga Isra’il.