Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeygii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday in daafaca Liverpool, Ibrahima Konate, uu si weyn u niyad-jabiyay tababaraha kooxdiisa Arne Slot intii lagu guda jiray guuldarradii 2-1 ee ay Reds kala kulantay Chelsea habeenkii Sabtida.
Liverpool ayaa markii labaad oo xiriir ah Premier League dhexdiisa gool looga dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay, iyadoo Chelsea ay guusha ku heshay gool uu da’yarka reer Brazil Estêvão dhaliyay daqiiqaddii 95-aad, kadib caawin uu bixiyay Marc Cucurella.
Ciyaarta oo uu xisaabkeedu ahaa 1-1 muddo dheer kadib markii Cody Gakpo uu barbareeyay goolkii hore ee Moises Caicedo, ayay ugu dambayn Chelsea gacanta ku dhigtay saddexda dhibcood.
Gary Neville oo faallo ka bixinayay ciyaarta kana hadlayay Sky Sports, ayaa sheegay:
“Haddii aad fiiriso Konate bilowgii qeybtii labaad, si liidata ayuu kulanka ku billowday, xitaa si aan xiiso lahayn. Aniga wuu i niyad-jabiyay — waxayna u muuqataa inuu Slot isna ka careysiiyay. Wuxuu u muuqday mid doonaya inuu kubbadda si fiican u maamusho, inkastoo uusan daafac ahaan u xoog badnayn. Wuxuu qaadanayay go’aan halis ah.”
Daafaca reer Faransiis ayaa la beddelay daqiiqaddii 56-aad, waxaana lasoo geliyay Curtis Jones, halka Ryan Gravenberch uu dib ugu laabtay daafaca dhexe – taas oo keentay in Liverpool wax yar ka fiicnaato difaac ahaan sideedii hore.
Guuldarradan ayaa ahayd tii saddexaad oo xiriir ah ee Liverpool toddobaad gudihiis soo gaarta, taasoo ka dhigtay inay hoos ugu dhacdo kaalinta labaad iyadoo hal dhibic ka dambaysa hoggaamiyeyaasha Arsenal, kuwaas oo 2-0 ku garaacay West Ham.
Kadib ciyaarta, tababare Arne Slot ayaa sharaxay sababta uu u saaray Konate:
“Wuxuu dareemay xanuun yar oo muruqa bowdada ah. Markaas ayaan go’aansaday inaan bixiyo. Haddii ciyaartu sidaas kusii socon lahayd, wax yar ayaan dib u dhigi lahaa isbeddelka, laakiin ma rabin inaan khatar galiuo. Ma aha wax is-daba-joog ah in markii Ryan (Gravenberch) uu galay difaaca, aan si fiican ciyaarta ula qabsannay.”






