Ardayda Waxbaraneysa oo loogu baaqay in Waxbarashada ku dadaalaan.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxbarashada waa shayga ugu muhiimsan ee uu aadanuha ku anfici karo noloshiisa tan qoyskiisa iyo mida bulshada uu la noolyahay waana furaha horumarka bulsho.

Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku yaalo goobo badan oo waxbarasho islamaarkana bixiya adeegyada Waxbarashada oo maadi iyo diini intaba leh.

Qaar kamid ah waalidiinta ku nool Magaalada Dhoobley oo aan wareysi la yeelanay ayaa Ardayda waxbaraneysa ugu baaqay inay ku dadaalaan Waxbarashada si ay u noqdaan kuwa dadkooda, dalkooda iyo diintooda anfaca.

Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa warbixintan ku eegaya