Sucuudiga Oo Soo Galay Manchester City & Xiddiga Muhiimka U Ah Guardiola Ee Ay Ka Doonayaan

0
99

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka lacagta badan bixinaya ee Saudi Arabia gaar ahaan kooxda Al Ahli ayaa markan u jeedsanaya dhinaca Manchester City oo ay ka doonayaan garabka weerar ee Riyad Mahrez.

Al Ahli ayaa sida uu sheegayo wargeyska The Athletic dalab 30 Milyan oo pound ah u diyaarinaysa xiddiga Algerian-ka ah.

Mail Sport ayaa bishii hore daboolka ka qaaday in Mahrez uu xiisaynayo inuu waayihiisa ciyaareed ku dhammaysto Saudi Arabia.

Warbixintan ugu dambaysay ayaa sheegaysa in Man City diidan tahay inay iibiso Mahrez oo laba sano uga hadheen heshiiskiisa kooxda.

Marka dhinaca dhaqaale laga eego, inaad 30 Milyan oo pound ku hesho ciyaaryahan 33 sano jir ah ayaa ah wax wanaagsan.

Al Ahli ayaa kusoo laabatay horyaalka koowaad ee Saudi Arabia kaddib markii ay si layaab leh heerka labaad ugu dhacday waxayna kamid tahay afar kooxood oo ay leedahay dawladdu si gaar ahna u maalgelinayso.

Walow uu Mahrez u furan yahay aragtida ah inuu waayihiisa ku dhammaysto Saudi-ga haddana waxa la sheegayaa inuusan hubin haddii xagaagani yahay wakhtiga ugu haboon ee uu bixi karo kaddib hanashadii saddexleyda koobabka ah.