Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad u diray madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu qanciyo Ruushku inaanu hakin hindisaha debedda loogu dhoofiyo sarreenka laga raro dekedaha ku yaalla baddow.
Hindisahan ayaa ogolaanaya in sarreenka laga dhoofiyo dekedaha Ukraine, kuwaas oo Ruushku xannibay, tan iyo markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine sannadkii hore, waxaana laga yaabaa in dib loo cusboonaysiiyo bishan July 18-keeda.
Moscow ayaa marar kala duwan ku celcelisa inaanay faa’iido badani ugu jirin hindisahan.
Waxaa jiray hindise kale oo kan barbar socday kaas oo u dhexeeyey Qaramada Midoobay iyo Ruushka, kaas oo la doonayey in caqabadaha lagaga faydo, heshiiska ogolaanaya in debedda loo dhoofiyo sarreenka Ruushka iyo agabka kale ee beeraha lagu bacrimiyo.
Mid ka mida qodobada ugu waaweyn ee Ruushku dalbanayo ayay ka mid tahay, in baanankeeda ka shaqeeya maalgelinta beeraha in dib loogu fasaxo, nidaamka is-afgaradka baananka ee caalamiga ah, si uu xidhiidh ula samayn karo baananka kale.