Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa wayadii danbe ku soo badanayay Ganacsiyada sida Casriga ah loo qalabeeyay Islamarkaana ah mid la jaanqaadi kara Ganacsiyada Wadamada Horumaray.
Ganacsiyada laga hirgalinayo qaybo kamid ah suqyada Magaalada ayaa ah kuwa qeyb libaaxle ka qaadanaya Kor u qaadista Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanka.
Maacuunta ayaa qeyb ka ah ganacsiyada sida weyn ugu soo kordhaya Magaalada kuwaasi oo ay hirgalinyaan haween Soomaaliyeed sido kale maacuunta ayaa ah adeegyo aad logu baahan yahay lagama maarmana u ah nolosha bulshada.
Qaar kamid ah Haweenka ka hirgaliyay Magaalada Dhoobley goobaha gaancsi ee lagu iibiyo Maacuunta nocyadeeda kala duwan ayaa Idaacada Sanguuni uga warbixiyay ganacsiyadooda.
Dhanka kale waxaan isna waraysi la yeelanay mid kamid ah macaamiisha goobahan lagu iibiyo Maacuunta oo xiligaasi ka dukaameysanayay mid kamid ah Bakhaarada lagu iibiyo alaabaah anagoo weydiinay sida uu u arko kaalinta ay dumarku ka qaadanayaan Ganacsiyada Deegaanka.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay