Goobaha Lagu iibiyo Agabka ay caruurtu ku ciyaraan xilliyada ciida oo diyar garow xoogan laga daremayo

0
194

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo malmo un ay ka harsantahay maalinta Ciidul Fidriga ayaa waxaa diyaar garowga munaasabada ciida si guud looga dareemayaa magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose .

Goobaha lagu iibiyo agabka ay caruurtu ku ciyaaraan ayaa ku arkaysaa mashqul xoogan iyadoo islamarkaana dadku ay isku diyaarinayaan inay u ii biyaan carurtooda agabyadaasi madama ay dunida muslimka oo dhan ay u tahay maalinta ciidul fidriga maalin aad u wayn

Qaar kamid ah dadka iibiya agabyada ay caruurtu ku ciyaraan maalmaha ciida ayaa Radio Sanguuni sharraxaad uga bixiyay  siyaabaha wax loga iibsado xiligan dadka ay ku jiraan diyaar garowgi ugu danbeeyay ee ku aadan munaasabadda ciida.

Si kastaba ha ahaatee hoyoyinka somaliyeed ayaa ah kuwa markasta u taagan ka farxinta u badkoda

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay